In kabadan 6 Ruux ayaa Maanta ku geeriyooday Xeebta Magaalada Marka Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose, kadib markii xeebta ay soo gaartay Dufaanta leyl oo Maalmihii Dambe ay ka digeysay Hay’adda Maareenta Masiibooyinka Qaranka.
Illaa 3 Qof ayaa meydadkooda la helay, waxaana la geeyay Isbitaalka Guud ee Magaalada, iyadoo sidoo kale weli la baadi goobayo ilaa Afar qof oo ku maqan biyaha Badda, sida ay inoo xaqiijiyeen Maamulka Magaalada Marka.
Maalmo kahor Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa ka digtay duufaaano culus oo loogu magacdaray ð—Ÿð—®ð—¹ð˜†, taas oo ku soo wajahan magaaloyinka xeebaha dhaca, si gaar ah Muqdisho, Baraawe, Marka , Jamaame, kismaayo iyo Badhaadhe.
Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaana bulshada uga digtay in ay ka taxadaraan duufaantan oo laga cabsi qabo in dhibaato ka geestaan deegaannada ay kusoo wajahn yihiin .