Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga (UNHCR) ayaa sheegay inay dib u soo laabteen 39,316 qof oo Somali ah, tan iyo markii la bilaabay Dib-u-celinta Qaxootiga ku sugnaa Kenya bishii December ee sannadkii 2014-kii.
Warbixinta Toddobaadka ee UNHCR ayaa lagu muujiyey Tiro-koonkaasi, iyadoo sannadkii hore taageero la siiyey 33,725 qof oo ku soo laabtay Somalia.
Hadal qoraal oo ay UNHCR ka soo saartay magaalladda Nairobi waxay ku sheegtay in la kordhiyey Duullimaadyada Diyaaradaha ee Qaxootiga dib loogu soo celinayo magaallooyinka Muqdisho, Kismaayo iyo Baydhabo.
Dhinaca kale, Warbixinta ayaa lagu sheegay in berri la bilaabi doonaa sidii Qaxootiga dhinaca dhulka loo soo marsiin lahaa, iyadoo la qorsheynayo in isbuuc kasta la dib ugu soo celiyaan Somalia Qaxooti tiradoodu u dhexeyso 350 ilaa 500 Qaxooti.
UNHCR ayaa ka shaqeynayso sidii  in ka badan 300,000 oo Qaxooti Somali ku jirta Shan Xero oo ku taalla Xeradda Dhadhaab iskooda ugu soo laaban lahaayeen Somalia.
©Radio Dalsan