Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Federalka, ahna Guddoomiyaha Barlamaanka Federalka, Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari†ayaa xalay si rasmi ahaan u soo gebagebeeyey Bandhigga Soo-nooleynta Hiddaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed oo muddooyinkii ugu dambeeyey ka socday Degmooyin ka tirsan Goballadda Banaadir iyo Labada Shabeelle.
Munaasabadaasi oo xalay lagu qabtay Hotelka City Palace ee magaalladda Muqdisho, waxa uu Prof. Jawaari faahfaahin ka bixiyey muhiimadda uu leeyahay in Dhallinta lagu barbaariyo Hiddaha iyo Dhaqanka Ummadda Soomaaliyeed, wuxuuna xusay inay Ummad kasta ku faani karto Dhaxalka u gaarka ee soo-jireenka ah.
Prof. Jawaari waxa uu ku baaqay in la ballaariyo Barnaamijka lagu soo nooleynayo Hiddaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed, isla markaana ay dadka Soomaaliyeed baylihinin Dhaqankooda Asaliga.
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federalka, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye  ayaa ka hadlay Munaasabadaasi,  wuxuuna munaasabada soo qaban qaabisay wazaarada warfaafinta oo horay usoo qabatay barnaamijkan dagmooyinka goballada dalka .
Maxamed Cabdi Xayir Maareeye waxa uu sheegay in hadafka laga leeyahay soo-nooleynta Hiddaha iyo Dhaqanka tahay sidii Ummadda loo xusuusin lahaa dhaxalka Dhaxalka Dhaqankooda, iyo inay Ummadda is-dhex galaan, kana shaqeeyaan Nabadda.
Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Xukuumadda Federalka, Maxamed C/llaahi Xasan “Nuux†ayaa ammaanay Bandhiga Hiddaha iyo Dhaqanka, wuxuuna sheegay inay fursad u tahay Jiilka soo socda inay wax badan ka bartaan Hiddaha iyo Dhaqankooda.
Waxa uu tilmaamay inay Bandhiggaasi ka soo dhigeen Degmooyinka Gobalka Banaadir iyo Degmooyinka Afgooye, Balcad iyo Jowhar, wuxuuna hoosta ka xariiqay inay dadweyne fara badan u soo daawasho tageen Bandhigga Soo-nooleynta Hiddaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed.
Sidoo kale, Bandhigga Buugaagta (Book File), Cuntadda  Waddaniga iyo Farshaxanka Sawir-gacmeedka ayaa Madasha lagu soo bandhigay, iyadoo ay Madaxda iyo Dadweynaha akhristeen Buugaagtaasi oo ay Qorayaal Soomaali ah qoreen.
Dhallinyarradda Farshaxanka waxay soo bandhigeen sawirro ka hadlaya Hiddaha iyo Dhaqanka, Qiimaha Calanka iyo Waddaniyadda iyo Wax-soo-saarka Dalagyadda Beeraha iyo Kallumeysiga.
Kooxda Somali Folk Dance ee Hoballadda Waaberi waxay ku soo bandhigeen Ciyaaraha Hiddaha iyo Dhaqanka Somalia, iyadoo ay dadweynaha aad ula dhaceen.
Munaasabadaasi waxaa goob joog ka ahaa uddoomiyaha Barlamaanka Federalka, Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari† Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federalka, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye
Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Xukuumadda Federalka, Maxamed C/llaahi Xasan “Nuux†Taliyaha Guud ee Ciiddanka Asluubta Soomaaliyeed, Jeneral Bashiir Maxamed Jamaac “Bashiir Goobeâ€, mas’uuliyiin, marti sharaf iyo dadweyne ka kala yimid Degmooyinka magaalladda Muqdisho.
WQ : Ustaad Nuradin Abokor Ahmed,
Sawir-qaade:- Weriye C/llaahi Xasan Cilmi “Qoslaayeâ€.
©Dalsan Radio