Hadal Qoraal Ah Oo Kasoo Baxay Xarakada Dhaalibaan Ee Dalka Afghanistan Ayaa Lagu Shaaciyey Magaca Hogaamiyaha Cusub Ee Dalkaasi Kaasi Oo Hogaamin Doona Dhaalibaanka Afghanistan, Waxaana Hogaamiyaha Cusub Uu Badali Doonaa Hogaamiyihii Sabtidii Mareykanka Uu Ku Dilay Duqeynta.
Qoraalka Kasoo Baxay Xarakada Dhaalibaan Ayaa Waxaa Lagu Magacaabay Mawlawi Haibatullah Akhundzada, Waxaana Lagu Badalay Hogaamiyihii La Dilay Ee Mullah Akhtar Mansour, Kaasi Oo Mareykanka Uu Sheegay In Uu Sabtidii Ku Dilay Duqeyn Ka Dhacday Gobolka Balochistan Ee Dalka Afghanistan.
Sirdoonka Dawladaha Afghanistan Iyo Mareykanka Ayaa Kal Hore Xaqiijiyey Geerida Hogaamiyihii Dhaalibaan Ee Dalka Afghanistan.