Kooxo hubeysan oo burcad Koonfur Afrikaan ah ayaa waxaa ay habeenkii xalay aheyd deegaan ka tirsan Gobolka Limpopo ee dalkaas ku dileen Muwaadin Soomaaliyeed oo kamid ahaa dadka halkaas ku lahaa goob Ganacsi.
Burcadda ayaa weerar ku qaaday Muwaadinka Soomaaliyeed, xili uu ku sugnaa goobtiisa Ganacsi oo ay doonayeen inay dhac u geystaan, taas oo ku taalla tuulada Siloam oo hoostegta deegaanka Thohoyandou ee Limpopo.
Allaha u naxariistee Muwaadinka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Maxamed Cali Jimcaale, waxaana uu kamid ahaa dadka Soomaalida ee goobaha Ganacsi ku lahaa Siloam, isagoona u geeriyooday xabbado dhowr ah oo ku dhacay.
Raggii hubeysnaa ka dambeeyay falka ayaa goobta si deg deg ah uga baxsaday, isla markaana waxaa durbo halkaas tegay Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Koonfur Afrika oo sameeyay baaritaano aan wax natiijo ah kasoo bixin.
Dalka koonfur Afrika ayaa waxaa uu yahay dal inta badan dilal kala duwan iyo boob loogu geysto Muwaadiniinta Soomaaliyeed, waxaana sanadkaan gudihiisa lagu dilay Muwaadiniin farabadan oo lahaa goobo Ganacsi.