Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar hubaysan oo lagu qaaday xabsiga magaalada Gaalkacyo, kaasoo dhacay shalay galab. Dabley hubaysan oo ka tirsan malleyshiyo beeleed ayaa weerar ku qaaday xabsiga Gobolka Mudug, iyagoo doonayay inay kala baxaan maxaabiis ku eedeysan dilka ganacsade Axmed Tahliil oo magaciisu si weyn u soo baxay.
Wararka la helay waxay sheegayaan in intii lagu guda jiray weerarka, hal ruux ayaa ku geeriyooday, laba kalena waa ku dhaawacmeen.
Maxaabiista la doonayay in lala baxo ayaa horey xukunno ugu riday Puntland, iyagoo lagu eedeeyay dambiyo culus oo ay ku jiraan dilal iyo falal amni darro. Ilaalada xabsiga ayaa la sheegay inay si geesinimo leh uga hortageen weerarka, isla markaana ay difaaceen xabsiga si aysan maxaabiistaasi u baxsadaan.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in ciidamada amaanka ee xabsiga ay si isku duuban uga hortageen maleeshiyadii soo weerartay, inkasta oo ay jireen dagaal culus oo dhexmaray labada dhinac. Wararka ayaa intaasi ku daraya in xaaladda ay tahay mid kacsan, iyadoo ciidamo dheeraad ah la soo diray si loo xakameeyo amniga iyo sidii looga hortegi lahaa weerarro dheeraad ah.
Weerarkan ayaa muujinaya xiisadda ka jirta gobolka Mudug, gaar ahaan magaalada Gaalkacyo, iyadoo xaaladda amni ee ka jirta gudaha Puntland ay weli tahay mid adag, oo ka mid ah caqabadaha ugu waaweyn ee maamulku wajaho.