Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dil Muwaadin Soomaaliyeed loogu gaystay dalka Mareykanka, waxaaan dilkaasi ka dambeeyay sida la sheegay Tuugo hubaysan.
Dilka ayaa ka dhacay magaalada Arlington ee carriga Maraykanka, waxaana Muwaadinka Soomaaliyeed ee la toogtay lagu Magacaabi jiray Cabdiaadir Maxamuud Faarax loona garan ogaa Idiro.
Marxuumka oo ahaa 36 jir ayaa ku baxay gacanta tuug doonaysay in ay ka dhacaan gaarigiisa, xilli uu marayey meel hoygiisa u dhow, waxaana dableyda soo weearatay ay ku fureen rasaas, raasi oo keentay inuu isla goobtii ku geeriyoodo marxuumku.
Booliska Maraykanka ayaa sheegay in ay ku raad joogaan kooxdii dilka geysatay kuwaas oo bilo ka horna qof Caddaana u geystay dil kaan la mida.