Muwaadin Soomaaliyeed ayaa goordhaweyd lagu dilay deegaan lagu magacaabo Gugulethu oo hoostagta magalada Cape town ee dalka koonfur Afrika.
Allah ha u naxariistee muwaadinka ayaa lagu magacaabi jiray Cabdalla Nuura Diin, waxaana la sheegay in burcad hubeysan ay dukaanka ugu galeen, isagoo kaligiis ah kadibne ay dhowr xabadood ku dhufteen
Ciidamada ka tirsan Booliska magalada Cape town oo gaaray dukaanka lagu dilay muwaadinka Soomaaliyeed ayaa sheegaya in ay baarayan dhacdada dilka ah kooxdi burcada aheyd ee ka dambeeysay.
Waa muwaadinkii ugu horreeyay ee Soomaaliyeed ee sanadkaan 2023 lagu dilay dalka Koonfur Afrika, waxaana dalkaas uu yahay mid inta badan Soomaalida dilalka loogu geysto iyo sidoo kale boobka iyo dhaca.