Wasaaradda Arrimaha gudaha, dowladaha hoose iyo dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa shaqo joojin ku sameeysay Guddoomiyaha degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose Abuukar Maxamed Cumar Muudeey.
Wareegto kasoo baxday Xafiiska Wasiir ku-xigeenka Arrimaha gudaha KGS Maxaad Maxamed Ciise ayaa shaqada looga joojiyay Guddoomiyihii degmada Afgooye oo lagu eedeeyay ku takrifal awoodeed, Â amar diido iyo iska horkeen Maamulka dhexdiisa.
Sidoo kale Guddoomiye Abuukar Maxamed Cumar Muudeey ayaa waxaa lagu eedeeyay inuu sameeyay magacaabis sharci darro ah, isla markaana uu waday howlo uu iskaga horkeenayo Maamulka degmada dhexdiisa, taasina ay keentay in shaqada laga joojiyo.
Shaqada xilka Guddoomiyenimo ee degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa si KMG ah usii wadaya ku-xigeenkiisa, iyadoona la Ogeysiiyay shaqada ka joojintaan Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Najax.
Hoos ka Akhriso Wareegtada shaqo joojinta Guddoomiye Abuukar Muudeey