Guddiga hirgelinta doorashada SEIT ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa shaaciyay Jadawalka 13 kursi oo kamid ah kuraasta Golaha Shacabka oo deegaan doorashadoodu tahay Magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Qoraal soo saareen Guddiga doorashada Koonfur Galbeed ayaa lagu sheegay in diiwaan-gelinta Musharaxiinta u tartamaya 13-ka kursi ay bilaabaneyso 14 bishaan Febraayo, isla markaana doorashada kuraasta ay kala dhici doonto laba maalmood.
Guddiga doorashada ayaa shaaciyay in doorashada kuraasta lasoo saaray qaar ay dhaceyso 16-ka bishaan, halka kuwo kalena la qabanayo 17-ka, waxaana doorashada kuraasta ka dhaceysaa Magaalada Baraawe oo ah Caasimadda rasmiga ee Koonfur Galbeed.
Shalay ayey markii Magaalada Baraawe lagu soo gaba-gabeeyay doorashada 13 kursi oo horey u soo saareen Guddiga doorashada, waxaana mar kale lagu wadaa in Magaaladaas ka dhacdo doorashada kuraasta Golaha Shacabka.