Wargeyska Maalinlaha ee The Nation ee ka soo baxa Nairobi ayaa shalay qoray Warbixin dheer oo uu kaga hadlay Dhaqdhaqaaqa Dekedda Kismaayo, Eedeymaha sheegayo in Ciiddanka Kenya ku lug leeyihiin Dhuxusha sida sharci-darradda looga dhoofiyo Dekedda iyo Sonkorta Kontorobaanka ee loo gudbiyo Kenya.
Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Maamulka Jubbaland, Jeneral Maxamed Warsame Darwiish ayaa u sheegay Wargeyska The Nation inay dhowrkii bilood ee la soo dhaafay Sonkor-yari ka jirtay magaalladda Kismaayo.
Maareeyaha Dekedda Kismaayo, C/llaahi Dubbad Shiil ayaa isagana sheegay in bil kasta Dekedda Kismaayo laga soo dejiyo shixnad Sonkor oo uu culayskeedu dhan yahay 300,000 oo Kiilogaraam.
Dhinaca kale, Deeqa Yuusuf oo Dukaan ku leh Kismaayo ayaa sheegtay inay tahay markii ugu horreysay oo ay Sonkor yari ka dhacdo Kismaayo.
Arrintan ayaa imaanayso iyadoo Sonkorta ka soo degta Dekedda Kismaayo si Kontorobaan ah loogu gudbiyo Kenya, sida lagu xusay Warbixino ay Guddiga QM ee Kormeerka Cunaqabataynta saaran Somalia iyo Eritrea soo saareen labo jeer oo ay ku sheegeen inay Maamulka Jubbaland iyo Ciiddanka Kenya ku lug leeyihiin Dhuxusha sharci-darradda looga dhoofiyo Dekedda Kismaayo iyo Sonkorta Kontorobaanka loogu gudbiyo Kenya.
Bishii la soo dhaafay, Warbixin ay soo saareen Suxufiyiinta Caddaalad-doonka “Journalists for Justice†waxay sheegeen inay Ciiddanka Kenya ee ku sugan magaalladda Kismaayo  ku lug leeyihiin Ganacsiga Kontorobaanka ee Dhuxusha iyo Sonkorta.
©Radio Dalsan