Wararka aan ka heleyno deegaan ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas saacadihii lasoo dhaafay uu ka dhacay weerar dhaba-gal oo geystay Khasaaro kala duwan.
Rag hubeysan ayaa la sheegay in weerarka dhaba-galka ahaa ay ku qaadeen gaari uu la socday Guddoomiyaha deegaanka Qooqaani ee hootaga Degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose ee Maamulka Jubbaland.
Sidoo kale Weerarka ayaa waxaa la tilmaamay inuu ka badbaaday Guddoomiyaha deegaanka Qooqaani, hayeeshee uu ku dhintay hal Askari, halka laba kalena dhaawac uu soo gaaray, kuwaasi oo ilaalo u ahaa Mas’uulka la weeraray.
War qoraal ah oo lagu faafiyay baraha Internet-ka ay ku leeyihiin Al-shabaab ayaa waxaa ay ku sheegteen Mas’uuliyada weerarkaas oo ka dhacay deegaanka Hoostaga Degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose.
Al-shabaab ayaa sidoo kale sheegtay in weerarka ay ku dileen hal Askari, halka laba kalena ay dhaawaceen, iyagoona sheegay inuu weerarka ka badbaaday Guddoomiyaha deegaanka Qooqaani.
Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka deegaanka Qooqaani oo ay uga hadlayaan wararka sheegayan in Guddoomiyaha deegaankaas uu ka badbaaday weerar dhaba-gal ah oo lagu qaaday.