Ugu yaraan hal ruux ayaa ku geeriyooday, qof kalena waa uu ku dhaawacmay kadib shil diyaaradeed oo maanta abaara 11:30 ka dhacay degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool sida uu Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay Maareeyaha garoonka Ceelbarde C/fitaax Geedsane
Diyaaradda oo ka duushay Muqdisho, ayaa sidday gargaar Banii’aadano,waxaana saarnaa afar ruux oo shaqaalaha UN-ka ah gaar ahaan qeybta WFP,
Shilka Diyaaradda ayaa ka dhashay kadib markii mid ka mid ah Taayarada uu baxay oo ka weectay wadda ay ku orodaan diyaaradaha, iyadoona diyaaradda gashay dhismo u dhow aagga garoonka.
Maareeyaha garoonka Ceelbarde Cabdifitaax Keydsane ayaa warbaahinta u sheegay in diyaarada ku dhacday meel ka baxsan garoonka diyaaradaha , waxa uuna xusay in uu ku dhintay shilkaasi hal qof oo kamid ahaa dadkii diyaarada la socday.
Qofka dhintay ee diyaarada la socday ayaa wararka qaar sheegayaan in uu ahaa duuliyihii diyaarada, waxaana diyaarada shilka gashay la socday afar qof oo katirsanaa shaqaalaha hay’adda WPF kuwaa oo shilka ka bad baaday .