Inta la xaqiijiyay saddex qof ayaa ku dhimatay Qaraxii Is-miidaaminta ahaa ee Maanta ka dhacay Magaalada Jowhar ee Caasimadda dowlad Goboleedka Hirshabeelle, kaasi oo lagu weeraray Hotelka Nuur Doob oo ay degnaayeen xubno ka tirsan Hirshabeelle.
Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Hirshabeelle oo la hadlay BBC-da ayaa u sheegay in qaraxa oo ahaa mid Is-miidaamin ahaa oo loo adeegsaday gaari xamuul laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa lagu weeraray Hotelka lagu magacaabo Nuur Doob.
Mas’uuliyiinta ayaa xaqiijiyay inay qaraxa ku dhinteen saddex qof, halka labaatan qof kale ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen, waxaana dadka dhaawacmay ku jira  Wasiiro, Xildhibaano iyo xubno kale oo ka tirsan Maamulka Hirshabeelle.
Al-shabaab ayaa warar ay ku faafiyeen barahooda Internet-ka waxaa ay ku sheegteen mas’uuliyada qaraxii Maanta ka dhacay Magaalada Jowhar, iyagoona sheegay in qaraxa lala beegsaday hotel ay degnaayeen Mas’uuliyiin kamid ah Hirshabeelle, in kastoo aysan sheegin khasaaro.
Si kastaba, Sawirro laga soo qaaday Hotelka qaraxa lagu weeraray ayaa muujinaya burbur baaxad leh oo uu geystay qaraxa, isla markaana waxaa dumay qeybo kamid ah dhismaha Hotelka iyo dhowr Guri oo ku yaalla aaga Hotelka Nuur Doob iyo dhismayaal goobo Ganacsi.