Ciidamada Booliska Kenya ayaa waxa ay xireen Askari ka tirsan Ciidanka (General Service Unit) oo loo soo gaabiyo GSU, kuwaas oo ah booliska sida Millateriga u tababaran.
Askariga oo lagu Magacaabo Georgy Karutha Githaiga ayaa saraakiisha Ciidamadu waxa ay sheegeen in uu doonayey in uu si dhuumaaleysi ah ugu baxsado Gudaha dalka Soomaaliya,sidaasina lagu xiray.
Xilliga la xirayay ayaa waxa uu ku sugnaa Magalada Mandheera,waxana shalay uu ka soo muuqday Maxkamad,isaga oo been abuur ku tilmaamay in uu baxsad u ahaa Soomaaliya.
Hay’adaha Amaanka Kenya ayaa waxa ay sheegeen in Georgy Karutha Githaiga uu doonayey in uu ku biiro dagaalamayaasha Al-Shabaab,balse ka hor uu booqday dhammaan Xarumaha Ciidamada GSU ee Magaalooyinka Lamu,Nairobi, Garissa, Voi, Mandheera,Ceelwaaq,Malindi iyo Garsen.
Ugu dambeyn Kennedy Amwayi oo ah Sarkaal ka tirsan laanta la dagaallanka Argagixisada dalka Kenya ayaa ka hor yimid codsi ah in askarigaas damiin lagu siidaayo,waxana uu dalbaday in Xabsiga lagu sii haayo.
Si kastaba ciidamada Amaanka Kenya ayaa xilligaan waxa ay yihiin kuwo ka feejigan falal amndaro e ka dhaca dalkaas,maadaama mararka qaar ay weeraro ka geystaan Al-Shabaab.