Madaxa Hawlgalladda Ammaanka ee Kaymaha Boni ee Kenya,James Ole Serian ayaa sheegay inay qabteen 36 qof oo lala xiriirinayo Alshabaab, isla markaana ay ku wareejiyeen Hay’addaha Ammaanka, gaar ahaan Boliska La-dagaalanka Argagixisadda ee ATPU.
Waxa kale oo uu sheegay in Hawlgalka Boni lagu guuleystay, balse ay weli jirto cabsida Alshabaab ku hayaan dalkiisa.
Hawlgalkaasi oo bilowday 9 bilood ka hor ayaa waxay Ciiddanka Kenya dagaalo la galeen Dagaalyahannadda Jeysh Ayman ee Alshabaab, kuwaasi oo ku xoogganaa Dhulka Kaymaha ee Boni.
Tan iyo bishii Maarso ee sannadkan, waxaa Boliska Kenya la siiyey 6 Gawaarida Gaashaman si ay ugu adeegsadaan Hawlgaladda ay ka wadaan Degmadda Laamu iyo buuraha Boni.
Gaadiidkaasi waxay qeyb ka yihiin 30 gawaarida noocaasi oo ay Dowladda Kenya u soo iibsatay si ay kula dagaalamaan Alshabaabka hawlgalladda ka fuliya gudaha Kenya iyo dhulka Xuduudka ee ay la wadaagaan Somalia.
©Radio Dalsan