Hay’addaha Ammaanka ee Kenya ayaa soo saaray Digniin ku aadan warar sheegayo inay 11-dagaalyahanno Alshabaab qorsheynayaan inay weeraro ka geystaan Kenya Munaasabadda lagu soo dhaweynayo Sannadka cusub ee 20-16-ka ee Taariikhda Miilaadiyadda.
Warar dhinaca Sirdoonka Kenya ayaa sheegayo inay raggaasi si qarsoodi ah ku soo galeen Kenya, isla markaana ay yihiin kuwo Khatar ah oo aad u hubeysan, waa sida warka loo dhigay.
Hay’addaha Ammaanka Kenya waxay min 2 million oo Kenya Shillings ah dul dhigeen 11-kaasi qof oo magacyadooda lagu kala sheegay:-
- Cabdifataax Abuukar Cabdi oo Somali ah, laguna naaeyso Musa Muhajir,
- Cabdalla Muumin Cabdalla,
- Suleymaan Maxamed Cawad,
- Cabdalla Siraaji Maruum,
- Maxamed Cali Axmed,
- Xuseen Saciid Cumar oo lagu naanayso Baabli,
- Anwar Yogan Mawook
- Cumar Batrooba Jumca oo loo yaqaano Jumca Owiti,
- C/qaadir Abuukar C/qaadir
- Ismaaciil Maxamed Shoosi oo loo yaqaano Ismaaciil Mamanga.
- Ciise Cabdalla Axmed.
Dadkaasi la raadinayo waxaa kaloo lagu sheegay inay horey uga qeyb galeen  weeraradii ay Alshabaab ka geysteen Deegaanka Mpeketoni iyo Laamu sannadkii hore.
@Radio Dalsan     Â