Afhayeenka Ciiddanka Kenya, Kolonel David Obonyo ayaa faahfaahin ka bixiyey duqeymo ay Diyaaradaha Dagaalka Kenya dhawaan ka geysteen qeybo ka mid ah Gobalka Gedo.
Waxa uu sheegay inay Diyaaradaha Kenya duqeeyeen Deegaanadda Tuulo Barwaaqo iyo Quraat oo ka tirsan Gobalka Gedo, kuna burburiyeen labo Tekniko oo ay Alshabaab lahaayeen, waa sida uu hadalka u dhigay.
Afhayeenka ayaan  xaqiijinin tiradda Dagaalamayaasha Alshabaab ee ay ku dileen duqeymahaasi, mana jiraan warar madx bannaan oo xaqiijinaya hadalkiisa.
Dhinaca kale, Afhayeenka waxa uu ka hadlay duqeyn ay dad rayid ah ku geeriyoodeen oo ka dhacay Deegaanka Dhamase ee Gobalka Gedo, lagun dilay 10 qof oo rayid ahaa.
Wuxuuse sheegay inuusan hadafkooda ahayn inay dadka rayidka ku ciqaabaan, balse uu Hawlgalkaasi qeyb ka yahay Hawlgalladda socda ee lagula jira Dagaalamayaasha Alshabaab.
© Radio Dalsan
Â