Aadan Barre Ducaale oo ah Hoggaamiyaha Aqlabiyadda weyn ku leh Barlamaanka Kenya ayaa sheegay inuu shaacin doono magacyadda Liiska Ganacsatadda ka dambaysay inay Kenya keenaan Sonkorta muranka dhalisay ee ay ku milan yihiin maadooyinka sun ah.
Siyaasiga waxa uu tilmaamay inuu diiwaan geliyey 60 Ganacsato iyo qof kale, kuwaasi oo uu ku tilmaamay inay Kenya keeneen 185 tan oo Sonkorta sumeysan ee khatarta ku ah nolosha Aadanaha, wuxuuna carrabka ku dhuftay inuu Liiskaasi shaacin doono maalinta Taalaadada ee soo socota.
Siyaasiga Aadan Barre Ducaale oo ah Xildhibaan laga soo doorto Garissa waxa uu xusay inuu Guddiga Ganacsiga iyo Beeraha ee Barlamaanka Kenya u gudbiyey Dukumenti ku aadan Liiska Ganacsatada ka dambaysa Sonkorta walaaca xooggan ka dhex abuurtay dadka ku nool dalkaasi.
Warar ayaa sheegayo in Sonkortaasi oo laga keenya dalka Brazil ay ku jiraan maadooyin Kiimikaad ah oo aan ku fiicnayn nolosha dadka isticmaala Sonkortaasi
Dhowr Gnaacsato Somali-Kenyan ayaa ka mid ah Ganacsatadda u xiran Sonkortaasi, sida ay sheegeen Ciiddanka Boliska ee dalkaasi oo dhawaan qaaday olole ay ku soo ururiyeen Sonkorta laga digay Khatarteeda.