Maxkamadda magaalladda Mandera ee W/bari Kenya waxay xukun ku riday Haweeney Somali ah oo lagu soo oogay inay si sharci-darro ah ku soo gashay dalkaasi.
Haweeneydaasi oo lagu magacaabo Nuurto Xasan Khaliif ayaa  lagu ganaaxay lacag dhan 150,000 oo Shillinka Kenya ama loogu beddeli doono Xabsi 2 sanno ah.
Nuurto Xasan Khaliif oo 21-jir ah ayaa lagu qabtay Xaafadda Buula Jamhuuriya ee Mandera maalintii Talaadada ee la soo dhaafay, iyadoo aan wadanin Baasaboor ama Oggolaansho Dal-ku-joog ah.
Wargeyska Nation ee ka soo baxa magaalladda Nairobi ayaa qoray in Haweeneydaasi lagu helay  Dembi kale oo la xiriira inay cunug 3 maalmo jir ah oo ay dhashay kaga tegtay meel qashin-qubka iyadoo aysan dad la joogin.
Eedeysanaha, Nuurto Xasan Khaliif waxay qiratay inay sharci-darro ku joogtay Kenya, balse waxay beenisay inay cunugeeda kaga tegtay meel qashin-qub ah.
Garsooraha Maxkamadda Mandera, Petwr Areri ayaa sheegay in ay mar kale bishan 30-da dhegeysan doonaan Dacwada Haweeneydaasi oo beenisay Kiiska 2-aad ee lagu soo oogay.
Garsooraha waxa kale oo uu amray in marka ay dhamaysato Xukunkeeda in dib loogu celin doono Somalia.
Xigasho: Daily Nation
©Radio Dalsan