Faysal Axmed Aadan oo 34 jir ah ayaa la soo taagay Maxkamad ku taalla Degmadda Maua ee Gobalka Meru ee Galbeedka Kenya, isagoo lagu soo oogay inuu gabdhaha yaryar lacag siin jirey, si uu uga danaysto, waa sida hadalka loo dhigay.
Eedeysanaha ayaa la sheegay in la qabtay xilli uu gabar yar oo ka timid Madrasadda uu gaari ku kaxaysan lahaa, iyadoo gabadha yar qeylisay.
Gabadhaasi oo la hadashay Wargeyska The Daily Nation ayaa sheegtay inuu Eedeysanaha siiyey 10 Shillinka Kenya, kana codsaday inay gaarigiisa soo raacdo.
Qaar ka mid ah Qoyska gabadhaasi ayaa ku baaqay in Caddaaladda la marsiiyo Eedeysanahaasi, iyadoo Garsooraha Maxkamadda ee Degmadda Maua ee Galbeedka Kenya, A.G. Munene ku gacan sayray rafcaan uu Eedeysanaha ka qaatay Kiiskaasi.
Garsooraha waxa uu amray in Eedeysanaha lagu sii hayo Xabsiga muddo 14 maalmood.
Dhinaca kale, Eedeysane Faysal Axmed Aadan ayaa la filayaa in mar kale la soo taago Maxkamadda bisha soo socota ee April 4-da, isagoo lagu soo oogayo eedeynta loo haysto iyo inuu sharci la’aan ku joogay Kenya.
Xigasho: Daily Nation
©Radio Dalsan