Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar  hal qarax ku bilaawday oo Galabta lagu qaaday  hotel ku yaalla magaalada Nairobi oo lagu magacaabo DusitD2.
Inta la xaqiijiyay 5 ruux ayaa la sheegay inay ku geeriyooday weerarka qaraxa ku bilaawday oo lagu qaaday Hotelka DusitD2 ee Magalada Nairobi waxaana mararka qaar halkaasi ka dhacay rasaas xooggan,iyada oo ciidamada Kenya ay ku hareereysan yihiin Hotelka.
Afhayeenka booliska Kenya, Charles Owino ayaa u sheegay taleefishinka Citizen inay rumeysan yihiin in weerarka uu yahay weerar argagixiso.
Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarkaas, waxaana ay sheegeen in ay gudaha u galeen hotel-ka.
“Anaga ayaa ka dambeyna weerarka Nairobi, howl-galkana waa mid socda†waxaa sidaas yiri afhayeenka ciidamada Al-Shabaab Cabdulcasiis Abu Muscab.
Xaalada Magalada Nairobi ayaa Caawa ah mid kacsan,waxaana Isha ku haya Warbaahinada Caalamka,maadaama goobta la weeraray ay aheyd mid amaankeeda siweyn loo ilaalinayay.