Kooxda Baarayaasha QM ugu qaabilsan Cunaqabataynta saaran Somalia iyo Golaha Ammaanka ee QM waxay dhowr jeer ka digeen lugta ay Ciiddanka AMISOM ku leeyihiin Ganacsiga sharci-darradda ee dhuxusha laga dhoofiyo Dekedda Kismaayo.
Haweeneyda Wasiirka Difaaca ka ah dalka Kenya, Raychelle Omamo waxay u sheegtay Kooxda ilaaladda ku haysa dadaalka Nabadda Somalia inay ku eedeeyeen Ciiddanka AM,ISOM arrintaasi, waxayna ku baaqday in ay joojiyaan “Far-muuqista Eedeymaha ay u jeediyaan Ciiddanka Kenya ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM.
Waxay kaloo kadigtay in ay Eedeyntaasi wax u dhimi karto Mooraalka Ciiddanka Afrikaanka ee qeybta ka ah La-dagaalanka Alshabaab iyo soo-celinta Nabadda Somalia, waa sida ay hadalak u tiri.
Bishii November ee sannadkii hore, Kooxda QM ee Kormeerka Cunaqabataynta hubka ee Somalia iyo Eritrea waxay soo saareen Warbixin muujisay inay Ciiddanka Kenya ee qeybta ka ah AMISOMÂ Â ku lug leeyihiin Dhuxusha laga dhoofiyo Dekedda Kismaayo iyo Buur-goobo ee Jubbooyinka.