Taliyaha Boliska Kenya, Joseph Boinnet  ayaa shaaciyey inay 8 million oo Shillinka Kenya dul-dhigeen 4 nin oo ka tirsan Alshabaab,kuwaasi oo lagu tuhunsan yahay inay ka dambeeyeen weerar lagu bas Bas iyo Kaawo Dhagxaanta laga qodo oo ku taalla magaalladda Mandera.
Magacyadda Ragga ka tirsan Alshabaab ee ay Hay’addaha Ammaanka madaxooda dul dhigeen Abaalmarinta Lacageed ayaa lagu kala magacaabaa C/llaaahi Isaaq, Idris Isaaq, Axmed Aweys iyo Maxamed Shide, kuwaasi oo la tilmaamay inay qorsheeyeen weerar bishii November ee sannadkii 2014-kii lagu qaaday Bas ay leedahay Shirkadda Maka Bas, oo lagu dilay 28-qof.
Sidoo kale, C/llaaahi Isaaq, Idris Isaaq, Axmed Aweys iyo Maxamed Shide waxaa la sheegay inay ku lug lahaayeen weerarkii bishii December ee sannadkii 2014-kii lagu dilay 36 Shaqaalaha ka xoogsada Kaawooyinka Dhagxaanta ee Mandera.
Hadal qoraal oo u usoo saaray Taliyaha Boliska Kenya waxa uu ku xusay inay Eedeysanayaashaasi ka hawlgalaan Deegaanadda Mandera, Wajeer iyo Gobalka Gedo ee dalka Somalia, hubeysan yihiin, isla markaana ay khatar yihiin, waa sida uu hadalka u dhigay.
Dhinaca kale, Joseph Boinnet  waxa uu tilmaamay inay Cabsida Alshabaab ku hayaan Kenya weli tahay mid taagan, oo ay hayaan warar ku aadan inay Alshabaab qorsheynayaan inay weeraro kale ka fuliyaan gudaha Kenya.
©Radio Dalsan
Â