Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay xayiraaddii kalluumeysiga habeenimo ka qaaday Kalluumeysatada degan magaallo-xeebeedka Laamu ee kaabiga ku haya xuduud-baddeedka Somalia ee dhinaca Jubbooyinka.
Kalluumeysatadaasi waxaa saarnayd xayiraad 8-dii sanno ee la soo dhaafay, kadib, markii Dagaalamayaal la sheegay inay Al-Shabaab ahaayeen ay Lamaanayaal u dhashay Briatin ka soo qafaasheen xeebta loo dalxiis tago ee Deegaanka Kiwayu ee Laamu Bari bishii Seotember ee sannadkii 2011-kii.
Dhinaca kale, qaar ka mid ah Doonleyda Laamu waxay Dowladda Kenya ka codsadeen in la sameeyo sahminta Ammaanka Badda ee 24-ka saac, halkii ay culayska saari lahaayeen ilaalinta Deegaanadda u dhexeeya xuduudka Laamu iyo Somalia.