Koox Kalluumeysato oo ka kooban 17 qof ayaa la sheegay inay Khamiistii hore dib ugu laabteen dalka Iiraan, kadib, markii afduub loogu haystay Somalia tan iyo bishii October ee sannadkii hore ee 2017-ka.
Shabakadda Wararka ee financialtribune.com ayaa maanta qortay in Kalluumeystadaasi lagu sii daayey dadaal ay sameeyeen Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Iiraan iyo Safaaradda ay ku leeyihiin dalka Kenya.
Kalluumesyatadaasi oo watay dooni Kalluumeysi ayaa la sheegay inay gacanta ku dhigeen Ilaalo Somali ah oo watay Dooni nooca dheereeya, waxaana Kalluumeysatada lagu soo oogauy inay si sharci-darro ah uga kalluumeysanayeen Xeebaha W/bari ee Somalia.
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Iiraan, Baxram Qaasimi ayaa sheegay in Kalluumeystadaasi lagu sii daayey dadaal adag oo socday dhowrkii bilood ee la soo dhaafay, mana uusan faahfaahin haddii Hawlgal Milliteri lagu soo furtay iyo haddii Burcad-baddeeda haystay la siiyey Lacago Mdaxa Furasho ah.
Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibedda ee Iiraan ayaa la sheegay inuu Kalluumesyatadaasi ku soo dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha ee Khomeyni International Airort ee caasimadda dalkaasi ee Tehtaan. Kadib, markii ay Diyaarad ka soo raaceen magaalladda Nairobi
Si kastaba ha ahaatee, Sii-dayntooda waxay timid 2 isbuuc kadib, markii ay Ciiddanka Sirdoonka Iiraan xoog ku soo furteen 4 Kalluumeysato u dhalatay dalkaasi oo dhowr sanno afduub loogu haystay Xeebaha Jubbooyinka..
 Xigasho: financialtribune.com