Saraakiil ka tirsan Wasaaradda Cafaimaadka iyo Goobjoogayaal ayaa sheegay inay Askarta Yuhuudda shalay toogasho ku dileen Kalkaaliso cafimaad oo doonaysay in ay caawiso Dibadbax ku dhawaacmay Xuduudka Qasa.
Kalkaalisada oo lagu magacaabi jiray Razan Al-najar ayaa la toogtay, xilli ay ku sii jeeday Xuduudka ee dhanka bari ee magalladda Khaani Yoonis.
Marxuumadda oo 21-jir ah ayaa xilligaasi u si icararaysay si ay u daawayso Dibadbadayaal ku dhaawacmay toogashadda Askarta Yuhuudda.
Kalkaalisadda waxay wadatay Labiska lagu garto Shaqaalaha Caafimaadka, waxayna si muuqata kor ugu taagtay gacmaheeda, balse Askarta Yuhuudda waxay ka toogteen Laabta, sida uu sheegay Goobjooge la hadlay Wakaalladda Wararka REUTERS
Afhayeenad u hadashay Milliteriga Yuhuudda wey ka gaabsatay inay ka hadasho Toogashaddaasi.
Dhimashadda Kalkaalisada waxay tirada guud ee Dibadbaxayaasha Falastiin ee lagu dilay Qasa tan iyo bishii Maarso ee la soo dhaafay waxay ka dhigtay 119.
Saraakiisha Caafimaadka ee Qasa waxay sheegeen in ugu yaraan 100 Falastiiniyiin ah lagu dhaawacay dibadbaxii weynaa ee shalay ka dhacay Xuduudka Qasa..