Mudo lix bilood ah kadib Maanta ayaa la filayaa in lasoo xiro kalfadhiga labaad ee Xubnaha Aqalka Sare,Masuuliyiinta ugu sareysa dalka, ayaa la filayaa inay ka qayb galaan xafladda xiritaanka Kalfadhiga labaad ee Golaha Aqalka Sare.
Xubnaha Aqalka Sare ayaa kulamadii u qabsoomay waxa ay ansixiyeen Sharciyo dhowr ah oo muhiim u ah dalka.
Kulamada aqalka Sare ayaa soo bilaawday July 12, 2017,waxaana hortegay Xubno ka tirsan Golaha wasiirada Soomaaliya kuwaas oo Warbixin siiyay.
Xubnaha Aqalka Sare kalfadhigooda labad ayaa markii la soo xiro,waxa ay qaarkood aadi doonaan deegaanada Maamulka Hir-Shabeelle si ay u soo qiimeeyaan xaaladaha ka jira.