Waxaa Maanta Arbaco ah Taariikhduna ay ku beegan tahay 15-ka bishaan June 2022 lagu wadaa in uu si rasmi ah u furmo Kalfadhiga 50-aad ee Golaha Wakiilada dowlad Goboleedka Puntland, kadib markii uu dhammaaday kal-fadhigii 49-aad ee Golaha.
Munaasabadda furitaanka Kalfadhiga 50-aad ee Baarlamaanka Puntland ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni, qaar kamid ah Golihiisa Wasiirada, dhammaan Xildhibaanada iyo xubno kale, sida uu qorshahu yahay.
Xarunta Baarlamaanka Puntland ayaa haatan waxaa socota qaban-qaabadii ugu dambeysay ee furitaanka Xaflada, waxaana halkaas kusii qul-qulaya mudanayaasha Baarlamaanka iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Maamulka.
Madaxweyaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo shalay dib ugu laabtay Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal, ahna Caasimadda Maamulka ayaa Khudbad ka jeedin doona Munaasabadda furitaanka Kalfadhiga 50-aad ee Golaha.
Madaxweyne Saciid Deni ayaa khudbadiisa uga hadli doono Arrimo kala duwan oo ku aadan Puntland, tan guud ee dalka iyo doorashooyinkii ka dhacay dalka, sidoo kalena ka hadli doona Arrimaha Abaaraha baahsan ee ka jira deegaanada maamulkiisa.