Hadal-haynta iyo Guuxa Dadweynaha waxa uu noqday mid madal kasta looga aragti dhiibto Go’aanka Somaliland ku sheegtay in ay Soomaalida deggan Goballadda Koonfurta iyo Bartamaha Somalia soo qaataan Baasaboor marka ay ka soo galayaan waxa ay ugu yeereen Sohdimaha Somaliland.
Kafateeriyadii aan Kalyantiga ka ahaa ayaan tegay, waxaan dalbaday Koob Kafey Nero ah, waxaan fariistay Kursi aad ugu dhow Odayaal aan mooday inay Shir Dhaqameed Khaas ah leeyihiin, waxaana dhegta u taagay Sheekeysigooda iyo Arrinta ay gorfeynayaan.
Odayaasha oo da’ 50-aadka iyo wax ka sarreeyo ila muuqaal ekaa, waxay  ka wada sinaayeen garka xiniga (Cilaanka) la mariyey iyo Usha Baakooradda.
Intaan dhowr jeer laaacay Kafeygii ayaan mar kale jaleecay halka ay Odayaasha ku sheekeysanayeen, waxaa mar qura dhegahayga ku soo dhacay inay ka doodayaan Go’aanka Maamulka Somaliland ee ay ku soo rogeen Soomaalida ku nool Goballadda Kale.
Waxaan jeclaystay inaan Doodooda idiin soo koobo, iyadoo aan magacyadda Odayaasha u bixinay Qowdhan, Sugulle, Macruuf iyo Xaaji Dhoof.
Qowdhan:- War waxaan doonayey inaan u dhoofo Hargeysa, laakiin waan iska dhaafay ilaa ay dabayshu ka degayso.
Macruuf:- Dabayl noocee ah, maxaa kuugu xiray Dabaysha, Diyaarad baad ku safraysaa.
Sugulle:- Dabayshu uu kuu sheegayo waa Dabaysha ka kacday Siyaasadda Somaliland ee miyaadan maqlin Go’aanka ay Wasiiradu go’aamiyeen?
Xaaji Dhoof :- Waxaasi go’aan ma ahee, waa Is-muujin iyo inay Warbaahinta farriinta gaarsiiyaan Caalamka oo dhegaha ka ootay Ictiraafka Somaliland.
Qowdhan: Haa, Dabaysha waqti bay leedahay, Siyaasadduna xilli lagu awr kacsado ayey leedahay. Sow maad garanin? Anigu waxaan la yaabanahay Go’aanka Indha-ku-garaadlaha ee lagu dhibayo dadka Ehelka iyo Xigtada ah. Ma Ummadda Soomaalida baa dhaqan u ahaa in loo go’aamiyo in la kala qoqobayo.
Macruuf. Dee, Ictiraaf baa la doonayaa, meel kastana waa lagu tijaabiyey, marka waa in xayiraad lagu soo rognaa Soomaalida kale ee aan u dhalanin Somaliland. Laga yaabee inay Beesha Caalamka taageeri doonaan go’aankaasi, lana soo dedejin doono Aqoonsiga Somaliland.
Sugulle:- Looma wada dhama Go’aankaasi, waana cambaaraynaynaa, waana ka dibad baxaynaa. Waan awoodnaa inaan qaadano go’aan lagu joojinayo dadka dhoofaya iyo noocyadda khudaarta darayga ee loo dirayo Hargeysa.
Xaaji Dhoof:- Anigu waxaan u arkaa arrinta Somaliland mid iyaga u gaar ah, waxaase Su’aal iga ah Baasboor yaa qaata?, Inteese loo qaataa?
Qowdhan: Waxaan maqli jirey Hees Hooriskeedu ahaa Waa su’aal da’ weynoo madaxa daalinayso, kollay go’aankaasi waxa uu la barbar yahay Ra’yiga caana-nuuga. Waa waxaan socon doonin ee Ictiraafku waa calaacasha oo ay timo ka soo baxaan.
Macruuf: Horta yeysan cadiif na qaadin, Aqoonsi iyo Ictiraaf nama khuseeyo, waxa inoo dan inay dadkeenna min Raas Casayr ilaa Raas Kambooni si madax bannaan ugu socdaali karaan. Waa maxay Baasaboorka, war iska ilaali kuwa weli rumeysan Fikirkii Gumeystihii laga wada xoroobay.
Sugulle: Go’aanka Somaliland waxay kaga dhegan tahay Soomaalida ku nool Goballadda kale, waayo Go’aankaasi ma khuseeyo Dadka Ethiopianka ee Fiiso La’aanta ku soo gala, kagana baxa Somaliland. Malaha Somaliland waxay qeyb qarsoon ka tahay Federalka Ethiopia.
Xaaji Dhoof: Kaba soo qaad, Go’aan kasta oo ay Xukuumad soo saarto waxaa laga ansixiyaa Barlamaanka ee maxay la aamusan yihiin Golaha Wakiilladda iyo Xisbiyadda Mucaaradka ee UCID iyo Waddani ? Xitaa Dowladda Federalka kulayl iyo qabow midna kuma hayo Go’aanka Somaliland.
Macruuf: Wallaahi waxaa maqli jirey Cimrigaaga oo raago Geel dhalaayuu ku tusaa, waa Mashaqo Cusub in qof Soomaali ah uu Baasaboor u qaato qeyb ka mid ah dalka Hooyo.
Sugulle:- Go’aankaasi waxaa la dhihi karaa waa Go’aan Gacal Kala goyn ah.
Qowdhan:- War waan ku daalnay, Aniga inaan baxo ayaan rabaa  ilaa isbuucan, markaan ka dego Garoonka Hargeysa waan idin soo wacayaa, sidoo kale markaan tago Burco iyo Boorama baan si fiican idinkugu sheekeyn doonaa.
©Radio Dalsan    Â