Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Dhuusamareeb ku qaabilay, qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo bulshada Galmudug oo uu kala hadlay xasilinta deegaanada laga saarayo Alshsbaab iyo qorshaha dowlada ku gaarsiineyso adeegyo bulsho oo dhameystiran.
Madaxweynaha ayaa mas’uuliyiinta uu la kulmay la wadaagay dadaalka dowladdu ay ku bixiso doo afjaridda dagaalka Alshsbaab oo ay ciidamada qaranku kasoo hooyeen guulo wax ku ool ah, isaga oo bogaadiyay garab istaaga dadka deegaanka ee halyeeyada ciidamada qalabka sida.