Guddiga hirgelinta doorashada SEIT ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa shaaciyay Jadawalka 7 kursi oo kamid ah kuraasta Golaha Shacabka oo deegaan doorashadoodu tahay Magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Qoraal soo saareen Guddiga doorashada Koonfur Galbeed ayaa lagu sheegay in diiwaan-gelinta Musharaxiinta u tartamaya todobada kursi ay bilaabaneyso 8-da bishaan Febraayo, isla markaana doorashada kuraasta ay kala dhici doonto laba maalmood.
Guddiga doorashada ayaa shaaciyay in doorashada kuraasta lasoo saaray qaar ay dhaceyso 9-ka bishaan, halka kuwo kalena la qabanayo 10-ka, waxaana doorashada kuraasta ka dhaceysaa Magaalada Baraawe oo ah Caasimadda rasmiga ee Koonfur Galbeed.