Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa si degdeg ah uga jawaabtay war-saxaafadeedkii kasoo baxay shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee xalay lagu soo gabagabeeyay Muqdisho. Jubbaland ayaa si cad u sheegtay in Dastuurkeedu u oggolaanayo inay doorasho qabsato, taasoo ka dhigan inay gabi ahaanba diiddan tahay qodobadii xalay kasoo baxay shirkaas.
Jubbaland ayaa soo saartay war-saxaafadeed lid ku ah kii Golaha Wadatashiga, iyadoo si cad u sheegtay inaysan aqbaleyn muddo kordhin. Waxay sidoo kale DFS ku eedeysay inay damacsan tahay in firaaq dastuuri ah la abuuro, dagaalka ka dhanka ah argagixisadana aysan guul ka gaarin, isla markaana aysan dooneyn in khilaafaadka aragtiyaha la xalliyo wada hadal.
War-saxaafadeedka Jubbaland ayaa lagu xusay inay doorashadeedu ku qabsoomi doonto sidii la qorsheeyay, si lamid ah tii August 2019-kii, iyada oo aysan aqbaleyn wax dib-u-dhac ah maadaama ay DFS ku fashilantay qabashada doorasho mideysan.
Qodobadii xalay kasoo baxay shirka oo maalmihii la soo dhaafay ka socday Muqdisho waxaa isku raacay madaxda dowlad dhexe iyo dowlad goboleedyada, marka laga reebo Jubbaland iyo Puntland oo ka biyo diidan qorshahaas.