Maamulka Jubbaland ayaa si kulul uga hadlay dagaaladii maalmihii lasoo dhaafay ka dhacay gobolka Raaskaambooni iyo deegaanada ku dhow. War-saxaafadeed ka soo baxay Jubbaland ayaa lagu eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ay sheegayaan inuu ku lug lahaa dagaalladaasi, isagoo ku daabulay ciidamo iyo gaadiid dagaal oo lagu eedeeyay inay u joogaan dagaalka ka socda Raaskaambooni si ay ula dagaallamaan ciidamada Jubbaland.
Sida ku xusan warsaxaafadeedka, Jubbaland ayaa sheegay in dagaalkaas ay ku qabteen ciidamo badan oo ka tirsan Xoogga dalka, kuwaas oo la sheegay in gacanta lagu hayo. Waxaa sidoo kale la sheegay in qaar ka mid ah ciidamadaas ay dhaawacmeen, iyadoo kuwo kalena loo soo qaaday Muqdisho si loogu daweeyo.
Maamulka Jubbaland ayaa sidoo kale sheegay inay diyaar u yihiin wada-hadal. Dagaalka ka dhacay Raaskaambooni ayaa waxaa sii adkeeyay khilaafka sii xoogeysanaya ee u dhexeeya Jubbaland iyo dowladda Federaalka, oo horay u qaaday tallaabooyin isku dhacyada ah.
Khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Jubbaland iyo dowladda Federaalka ayaa maraya heerkii ugu xumaa, iyadoo labada dhinac ay ku muransan yihiin arrimo siyaasadeed, taasoo keentay in dagaallo xooggan ay ka dhacaan deegaanada ay isku horfadhiyaan.