Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa Maanta sabti ah soo gaba-gabeeysay doorashada 16-ka kursi ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad oo shalay iyo Maanta ka qabsoontay Magaalada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya.
Doorashada kursiga #HOP122 ayaa waxaa ku tartamay Mursal Maxamed Khaliif iyo Cumar Muxumed Buulle, waxaana ku guuleeystay Mursal Maxamed Khalif, kadib markii uu u tanaasulay Cumar Muxumed, isagoona loogu coddeeyay qaab gacan taag ah.
Kursiga Golaha Shacabka ee tirsigiisu yahay HOP110 ayaa waxaa kusoo baxay Maxamed Muxumed Maxamed, kadib markii uu tartanka doorashada ka haray Musharaxii la tartami lahaa ee Khadar Axmed Adan, sida uu ku dhawaaqay Natiijada Guddiga doorashada Jubbaland.
Axmed Cismaan Ibraahim & Aadan Gaarane Cabdullaahi ayaa ku tartamay kursiga tirsigiisu yahay #HOP131, waxaana sida ay guddigu shaaciyeen ku guulaystay Xildhibaan Axmed Cismaan Ibraahim
Kursiga tirsigiisu yahay #HOP123 ayaa waxaa ku tartamay Musharax Xildhibaan Faadumo Faarax Aadan & Musharax Xildhibaan Sacdiyo Cabdullaahi Shire, waxaana ugu dambayn ku guulaysatay Marwo Xildhibaan Faadumo Faarax Aadan.
Kursiga ugu dambeeyay ee doorashadiisa lagu soo gaba-gabeeyay Magaalada Ceelwaaq Hop125 ayaa waxaa ku guuleystay Cabdirashiid Maxamed Ducaale, kadib markii u tanaasulay Maxamed Adan Xasan oo la tartami lahaa Cabdirashiid Ducaale.
Jubbaland ayaa gebi ahaan soo gaba-gabeeysay doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad, waxaana deegaan doorashada labaad ee Maamulkaas ee Magaalada Ceelwaaq lagu qabtay doorashada 16 kursi oo laga soo wareejiyay Magaalada Garbahaarey.
Guddiga doorashooyinka heer Federaal, kuwa Xallinta Khilaafaadka iyo Guddiga doorashooyinka dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa goobjoog ka ahaa doorashada Golaha Shacabka ee shalay iyo Maanta ka qabsoontay Magaalada Ceelwaaq .