Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayyid Aadan ayaa maamul cusub u magacaabay Magaalada Garbahaarreey ee Xarunta Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya.
Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne ku-xigeenka ayaa waxaa Guddoomiyaha cusub ee Garbahaarreey loogu magacaabay Imaan Caddow Kaarshe, halka Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasada degmadaas laga dhigay Maxamed Cabdi Xasan.
Sidoo kale Madaxweyne ku-xigeenka ayaa waxa uu Xasan Axmed Yuusuf u magacaabay inuu noqdo Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha Maamulka iyo Maaliyada degmada Garbahaarreey ee Xarunta Gobolka Gedo,
Magacaabistaan Maamulka cusub ee Garbahaareey ayaa ku timid baahi loo qabo dardar-gelinta howlaha Maamulka, sida lagu caddeeyay wareegtada lasoo saaray, waxaana mas’uuliyiintya cusub la faray inay gutaan waajibaadkooda shaqo ee loo idmaday.
Hoos ka Akhriso Wareegtada magacaabista