Dagaal xooggan ayaa subaxnimadii maanta ka qarxay xarunta degmada Baardheere ee gobolka Gedo, iyadoo xaalad adag iyo cabsi xoogan laga soo sheegay halkaasi. Dagaalka ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac, waxaana lasoo sheegayaa in in ka badan 10 askari ay ku dhinteen, sida ay xaqiijinayaan wararka nasoo gaaraya.
Dagaalka wuxuu dhexmarayaa ciidamo taageersan Jubbaland iyo kuwo ka tirsan ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya.ciidamada Jubbaland ee shalay la wareegay degmada Baardheere, waxaana maanta wajahaan weerar xooggan oo ka yimid ciidamada dowladda.
Waxaa sidoo kale lagu soo warramayaa in qaar ka mid ah masuuliyiinta degmada Baardheere ay ku dhinteen dagaalka. Guddoomiyaha arrimaha bulshada ee degmada Caagane, ayaa ku dhintay.
Guddomiye Ku-xigeenkii Jubaland Salemaan Badal ayaa qeyb ka ah dadka dagaalka isku dhiibay Ciidanka dowladda ee hadda gacanta lagu hayo, sida ay sheegayaan ila wareedyo lagu kalsoonaan karo oo ka imaanaya Baardheere.
Xaaladda ayaa ah mid aad u kacsan, waxaana dadka deegaanka ay ka muujinayaan cabsi badan. Daryanka madaafiicda iyo rasaasta ayaa weli ka soconaya magaalada, waxaana dadka deegaanka ay ku khasbanaadeen inay ku dhuuntaan guryahooda.
Wararka qaar ayaa tilmaamaya in askar badan oo Jubbaland ka tirsan ay isku soo dhiibteen ciidamada dowladda Federaalka. Sida ay sheegayaan ilaha wararka ee lagu kalsoon yahay, ciidamadan ayaa hadda gacanta lagu hayaa.
Dagaalka ka socda Baardheere ayaa u muuqda mid laga adkaaday dhinaca Jubbaland, iyadoo ciidamadu ay gacanta ku hayaan maamulka degmada, ka dib markii shalay ay si buuxda u qabsadeen.
Xaaladda dagaalka ayaa weli sii hurineysa khilaafka ka dhexeeya maamulka Jubbaland iyo dowladda Federaalka, iyadoo dagaalku uu sii murjiyay xiisadda siyaasadeed ee ka jirta gobolka Gedo.