Unug loogu magac daray Jeysh Ayman oo qeyb ka ah Dagaalamayaasha Alshabaab ayaa la sheegay inay ka mas’uul yhiin Hawlgalladda laga fuliyo gudaha Kenya.
Ciiddankaasi oo badankooda Kenyan ah ayaa waxaa la sheegay in la asaasay lix sanno ka hor, waxaana asaasay Dagaalyahanno Kenyaan ah oo ay ka mid yihiin Maalim Ayman oo lagu naanayso Abdiaziz Dhuubow Ali, Ahmed Iman Ali, Abdifatah Abubakar Abdi oo loo yaqaano Muusa Muhajir, kuwaasi oo haatan ka hawlgala Deegaannadda ku teedsan xuduudka Kenya la wadaagto  Somalia.
Wargeyska The Star ee ka soo baxa magaalladda Nairobi ayaa qoray inuu Hoggaamiyihii hore ee Alshabaab, Ahmed Abdi Godane uu si toos ah u maalgeliyey Ciiddanka Jeysha Ayman.
Wargeyska waxa uu qoray inay Jeysh Ayman fariisin ku leeyihiin dhulka kaymaha ee Boni Forest ee W/bari Kenya, waxayna yihiin ciiddan tababaran oo u hawlga koox-koox  ka kooban 10 ilaa 15 dagaalyahan kuna hubaysan qoryaha AK 47,  BKM, Garneylo iyo Gantaallada garabka laga tuuro ee RBG.
Wargeyska wax kaloo uu qoray inay dagaalamayaasha Jeysh Ayman ee ka tirsan Alshabaab qaataan tababar adag oo socda muddo lix bilood ah, waxay xamuulkooda ku rartaan Awrta iyo Dameeraha, iyagoo lugeeya masaafo dhan boqolaal Kiilomitir.
Wargeyska The Star oo dabagal ku sameeyey Hawlgalka Jeysh Ayman ayaa qoray in Hoggaamiyaha Jeysh Ayman lagu magacaabo Amiir Ramzi, isla markaana Kooxda loo xil-saaray inay weeraraan Hay’addaha Dowladda Kenya iyo Wershadaha Dalxiiska ee Gobalka Xeebta.
Xigasho:- The Star
© Radio Dalsan
Â