Sheegow Axmed Cali, oo ahaa Sarkaal horey loogu xiray Dowladda Federaalka Soomaaliya, islamarkaana horay loo soo taagay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, ayaa goordhow ku geeriyooday magaalada Muqdisho, sida ay xaqiijiyeen eheladiisa iyo dad u dhow.
Marxuumka Sheegow ayaa ahaa maxbuus muddo ku xirnaa xabsiga, iyadoo la sheegay in maalmahan uu la ildarnaa xanuun, laguna jiray dadaallo lagu daweynayo xaaladdiisa caafimaad.
Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa xukun ku ridday Sheegow kadib markii lagu helay dambiyo ay kamid yihiin la dagaalanka Ciidanka Dowladda iyo ku lug lahaanshaha lacag dhaqis. Sidoo kale, xubno kamid ah maleeshiyaadkii lala xiriirinayay Sheegow ayaa iyagana la xukumay.
Geerida Sheegow Axmed Cali ayaa weli si rasmi ah loo shaacin sababteeda, iyadoo aysan jirin wax war ah oo kasoo baxay Dowladda Soomaaliya oo ku saabsan dhimashada sarkaalkan maxbuuska ahaa.
Wararkaan ayaa imaanaya xilli ay sii kordhayaan walaacyada la xiriira xaaladda caafimaad ee maxaabiista ku jirta xabsiyada dalka.