Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Jeneraal Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa ka hadlay Guddiga Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u magacaabay baarista kiiska Ikraan Tahliil Faarax.
Jen. Muungaab oo Qoraal soo saaray ayuu ku sheegay in Guddiga uu magacaabay Farmaajo ee loo xilsaaray baarista kiiska Ikraan Tahliil uu yahay mid sharci darro ah oo lagu doonayo in lagu hor istaago Caddaaladda iyo habsami u socodka Dacwadda kiiska.
Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ayaa Tallaabada uu qaaday Madaxweyne Farmaajo ku tilmaamay fal dembiyeed, isagoona xusay in lagu dhaawacayo habsami u socodka Caddaalada ee Kiiska Ikraam Tahliil oo lagu la’yahay nolol iyo geeri.
Sidoo kale Jeneraal Muungaab ayaa sheegay in Xeer ilaalinta iyo Maxkamadda ciidamada Qalabka Sida ay saran tahay mas’uuliyad Qaran, wuuxuna ugu baaqay inay dhaqaajiyaan kiiska Ikraan, iyaga oo kaliya ku dhaqmaya sharciga.
Madaxweyne Farmaajo ayaa xalay Guddi qaran oo baaris ah u magacaabay kiiska Ikraan Tahliil Faarax, waxaana Guddigaas hoggaaminaya Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, iyadoona Farmaajo sheegay in kiiska Ikraan uu yahay mid xasaasi ah.
Hoos ka Akhriso Qoraal dheer oo uu soo saaray Jeneraal Muungaab
Sharci ahaan, marxuumad: Ikraan waxay ahayd sarkaalad ka tirsan Ciidanka Hay’adda NISA, sidaas daraateed, Qaadista Dacwada kiiskeeda waxay u gaar tahay (Ikhtisaas u leh) Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, sida ku cad Qodobka 2-aad ee XHCCQS.
Xeerilaaliyaha Guud ee CQSÂ wuxuu u dhigmaa Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka wixii la xiriira Xubnaha Ciidamada Qalabka Sida, sida ku cad Qodobka 1-aad ee Isla Xeerka HCCQS.
Xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka sida ayaa si rasmi ah u furtay Gal dacwadeed ku saabsan kiiska Ikraan Tahliil 07/09/2021, kadib markuu Qareenka Qoyska Dhibanah ha ow u gudbiyay Cabasho lidi ku ah 3 ka mida mas’uuliyiintii sare ee hay’adda NISA. Gal-Dacwadeedkiina sidaas ayuu uga hor furmay Maxkamaddii gaarka u lahayd kiiska.
Intaas kadib, ma jirto cid faragelin karta kiiska maxkamadda yaalla oo aan isla Maxkamadda CQS ahayn, sidaas daraateed Guddiga uu magacaabay Madaxweynaha xilkiisu dhammaaday ee Maxamed Farmaajo waa Sharci darro waana is hortaag qaawan oo uu ku sameeyay Caddaaladda iyo habsami u socodka Dacwadda.
Tallaabada Farmaajo waa fal dembiyeed maadaama lagu dhaawacayo habsami u socodka Caddaalada ee Kiiska Ikraam Tahliil.
Ma jirto meel uu Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka kasoo geli karo kiiska Ikraan, waana inuu faraha kala baxaa, una hoggaansamin Guddiga Villa Somaliya laga soo magacaabay ee sharci darrada ah, haddii kale wuxuu qeyb ka noqonayaa fal dembiyeedka lagu hor istaagayo cadaaladda.
Xeer ilaalinta iyo Maxkamadda ciidamada Qalabka Sida waxaa saaran mas’uuliyad Qaran iyo mid akhlaaqi ah, waana inay dhaqaajiyaan kiiska Ikraan Tahliil, iyaga oo kaliya ku dhaqmaya sharciga ee aan eegaynin dano gaara.