Wasiirka Horumarinta iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowladda Jarmalka, Gerd Muller ayaa shalay booqasho ku tegay Xeradda Dhadhaab ee W/bari Kenya,oo ay ku sugan yihiin ku-dhaawaad 350,000Â oo Qaxooti ah, kuwaasi oo in ka badan 90% ah Qaxooti ka soo carartay colaadihii Somalia ka dhacay tan iyo burburkii Dowladdii Kacaanka sannadkii 1991-kii.
Wasiirka Horumarinta iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowladda Jarmalka, Gerd Muller ayaa u kuur galay Xaalladda Qaxootiga ku jirta Xeradda Dhadhaab, oo ay QM u aqoonsan tahay Xeradda Qaxootiga ugu weyn Caalamka.
Afhayeenadda Wasiirka oo lagu magacaabo Petra Diroll ayaa sheegtay inay Dowladda Jarmalka laban laabayso Kaalmooyinka ay siiyaan Qaxootiga Dhadhaab, lana gaarsiin doono 11 million oo Euro oo u dhiganta 12.3 million oo Dollar sannadkiiba.
Waxay intaasi ku dartay in Kharajkaasi loo adeegsan doono dhinaca hubinta Nafaqada iyo Barnaamijka Dib-u-soo-celinta Qaxootiga Soomaalida ee iskooda u go’aansaday inay ku laabtaan dalkooda hooyo.
©Radio Dalsan