Golaha Wasiirada ee Jarmalka ayaa kordhiyay waqtiga ay ciidamadooda ay kasii mid ahaanayaan Tababarada ay Midowga Yurub siiyaan ciidamada dowladda soomaaliya.
Midowga yurub, ayaa waxaa ay tababaro siiyaan ciidamada dowladda soomaaliya, kuwas oo bixiya talooyinka Militery, iyo Strategiyada ay ciidamda dowlada soomaaliya ay ku dagal galaan.
Safiirka Jarmalka Peschke, ayaa waxaa uu sheegay in cusbooneysiinta Mandate-ka ay kaga sii mid ahaanayaan Howlagallada Midowga Yurub ee soomaaliya ay tahay sidii ay ciidanka dowladda soomaaliya ugu caawin lahaayeen xaqiijinta amaanka soomaaliya, hormarinta xasiloonida dalka.
Sidoo kale waxaa uu Ambasadorka uu sheegay in ciidamada dowladda soomaaliya ay talooyin kusiiyaan xerada Tababarka ee Jaziira.
Marka laga soo tago Go’aanka Golaha wasiirada Jermalka ay ku kordhiyeen Mandateka, waxaana wali ka hadlin ama ansixin Golaha Baarlamaanka dalka Germalka.