Hadal Qoraal oo ka soo baxay Safaaradda Jarmalka ku leedahay magaalladda Nairobi ayaa lagu sheegay inay Shan Boqol oo Euro (€500,000) ugu deeqeen Tuulladda Carruurta ee SOS Somalia (SOS children’s Village), si ay ugu fuliyaan Adeegyadda Horumarinta ee ka socda magaalladda Baydhabo.
Tuulladda Carruurta ee SOS Somalia (SOS children’s Village) waxay maamushaa Dugsi Xannaanadda Carruurta, iyagoo taageero siiya carruurta Deegaanka si loo xaqiijiyo Nolosha Qoysaskooda.
Tuulladda Carruurta ee SOS Somalia (SOS children’s Village) waxay kaloo Isbitaal weyn ku leeyihiin magaalladda Muqdisho, oo Adeeg Caafimaad u fidiya Carruurta iyo Haweenka Xaamilada.
Ma aha markii ugu horreysay oo ay Dowladda Jarmalka kaalmo dhaqaale siiyaan Maamul-gobaleedyadda Somalia, waxayna bishii hore bixiyeen lacag dhan 150,000 oo Euro oo lagu taageeray Qoysaska ay waxyeelladdu ka soo gaareen Daadadkii ku soo fatahay Gobalka Hiiraan ee ay ku baaba’een boqolaal guri iyo dhul-beereedyo ku beernaa noocyadda dalagyada.
© Radio DalsanÂ