Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Maanta oo talaado ah shir gaar ah ka yeeshay xaaladda dalka Soomaaliya, waxaana kulanka khudbad ka jeediyay Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.
James Swan oo shirka khudbad ka jeedinayay ayaa waxaa uu sheegay in muhiim ay tahay in Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada ay heshiis ka gaaran doorashada dalka ka dhaceysa.
Waxaa uu sheegay James Swan in Shirka Madaxda Soomaalida ee ka socda Magaalada Muqdisho uu ka soo baxo heshiis la fulin karo, si loo qabto doorasho heshiis lagu wada yahay oo lagu qaban karo waqti kooban.
“Waa muhiim in shirka ka socda Muqdisho uu ka soo baxo heshiis la fulin karo si doorashada loogu qabto waqtiga ugu yar ee suurtagalka ah” ayuu yiri Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.
Sidoo kale James Swan ayaa ku boggaadiyay Madaxda dowladda iyo kuwa maamulada dalka dadaalka ay ku doonayaan inay heshiis uga gaaraan khilaafyada jiray, taasi oo uu xusay inay ku jirto danta dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
“Waxaan amaanayaa dhammaan hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed ee doonayay tanaasulka iyo is afgaradka inta lagu gudajiro xilligan… taaas oo ay ku jirto danta dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Dareenka tanaasulka ayaa weli ah arrin degdeg loogu baahanyahay si horay loogu sii socdo” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.
Shirka Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad Goboleedyada ayaa heshiis looga gaaray qodobada uu ka taagnaa khilaafka doorashada dalka ka dhaceysa, waxaana la filayaa in Shirka Madaxda laga soo saaro War-murtiyeed.