Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Munaasabadda Ciidul Adxaa oo Maanta ay tahay maalinta koowaad ee Ciidda.
Qoraal uu soo saaray James Swan ayaa waxaa uu ku sheegay in bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ay shacabka la wadaagayaan dabbaal-degga Ciidul Adxa, iyaga oo ku jiro dareen ah dib-u-heshiin, niyad wanaag iyo nabad.
“Waxa ay bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya la wadaageysaa Soomaalida dabbaal-degga Ciidul Adxa, iyada oo uu jiro dareen ah dib-u-heshiin, niyad wanaag iyo nabad. Ciid Wanaagsan,â€ayuu yiri James Swan.
Dalalka Islaamka oo ay ku jirto Soomaaliya ayaa Maanta oo sabti ah looga dabaal-degayaa maalinta koowaad ee Ciidul Adxaa, iyadoona Magaalada Muqdisho iyo magaalooyinka dowlad Goboleedyada shacabka ay ku Ciidayaan Maanta.