Qaramada Midoobay ayaa si rasmi ah ugu magacowday James Swan inuu noqdo Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya iyo Madaxa Hawlgalka UNTMIS. Magacaabistiisa ayaa timid kadib markii Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, uu xalay si rasmi ah ugu dhawaaqay xilkan muhiimka ah.
Warsaxaafadeed kass baxay Qaramada Midoobay ayaa lagu xaqiijiyay in James Swan uu si buuxda u hoggaamin doono hawlaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, isagoo beddelaya doorkiisii hore ee ahaa mid ku-meel-gaar ah. Hadda, magacaabistiisu waa rasmi, waxaana uu si dhameystiran u gudan doonaa waajibaadkiisa.
James Swan waa diblomaasi khibrad sare leh oo ku takhasusay arrimaha Geeska Afrika, gaar ahaan Soomaaliya. Wuxuu muddo dheer ka tirsanaa Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka, halkaas oo uu kasoo qabtay xilal kala duwan oo la xiriira siyaasadda arrimaha dibadda iyo hawlaha nabadeynta.
Sidoo kale, Swan wuxuu horey usoo noqday Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, isagoo door muuqda ka qaatay xaaladihii cakirnaa ee dalka ka jiray. Waxaa si gaar ah loogu xasuustaa doorkiisii muhiimka ahaa doorashadii 2022, markaas oo uu ka mid ahaa diblomaasiyiintii caalamiga ah ee ka shaqeeyay fududeynta doorashada kadib khilaafkii ka dhashay muddo-kordhintii Madaxweyne Farmaajo.
Hawlgalka UNTMIS (United Nations Transition Mission in Somalia) ayaa ah hay’ad muhiim ah oo Qaramada Midoobay u xilsaartay taageeridda Soomaaliya, gaar ahaan dhanka amniga, siyaasadda iyo arrimaha bini’aadantinimada. Maadaama hadda Swan si rasmi ah loogu magacaabay xilkan, waxaa la filayaa inuu sii xoojiyo dadaallada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.
Magacaabista James Swan ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo joogitaanka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya. Ilo diblomaasiyadeed ayaa sheegaya in Swan uu yahay diblomaasi si weyn ugu lug leh arrimaha Soomaaliya, taasoo la micno ah inuu si dhow ula shaqeyn doono dowladda Soomaaliya iyo daneeyeyaasha kale ee caalamiga ah si loo gaaro yoolalka laga leeyahay hawlgalka UNTMIS.
Diblomaasiyiinta caalamiga ah iyo madaxda Soomaaliya ayaa la filayaa inay si dhow ula shaqeeyaan James Swan, maadaama ay Soomaaliya wajaheyso marxalad xasaasi ah oo ku saabsan nabadeynta, dib-u-habaynta amniga iyo doorashooyinka soo socda.