Ku-simaha Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya iyo Madaxa Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), James Swan, ayaa maanta soo gaarey magaalada Muqdisho.
“Mr. Swan wuxuu diirradda saari doonaa in uu Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dadka Soomaaliyeed ka taageero in ay horumariyaan arrimaha mudnaanta hortabinta leh ee nabadda, amniga, horumarinta iyo qaran-dhisidda†ayaa lagu yiri Qoraal kasoo baxay Xafiiska UN-ka ee Somalia.
Xoghayaha Guud ee QM António Guterres ayaa magacaabista Mr. Swan ku dhawaaqay14kii bisha Maajo. Mr. Swan ka hor inta uusan soo gaarin magaalada Muqdisho wuxuu kulamo ballaaran la soo qaatay madaxda Xarunta-dhexe ee Qaramada Midoobay.
Mr. Swan ayaa wuxuu horey u soo ahaa Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan iyo Madaxa UNSOM laga soo bilaabo 2019 ilaa 2022.
Swan ayaa horay xilka Ergeyga QM ee Soomaaliya u soo qabtay sanadihii 2019-2022, waxaana lagu xusuustaa doorkii uu ku lahaa doorashadii adkeyd ee murankeeda soo jiitamayay, illaa ugu dambeyn 15 May 2022 soo dhamaatay.
Mr Swan ayaa markaan xafiiska si KMG usii heyn doono, waxaana uu dhameystiri doonaa howsha Xafiiska UNSOM oo la qorsheynayo in sanadkan dib u eegis lagu sameeyo. Magacaabiddiisa KMG ayaa ku soo aadeysa kaddib markii dhowaan dowladda Soomaaliya ay dalbatay in la xiro Xafiiska UNSOM.