Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali oo booqasho rasmi ah ku jooga Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa kulan xasaasi ah la qaatay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.
Jabuuti ayaa qoraalka ay baahisey SSC Khaatumo,u aqoonsatey maamul goboleed ka tirsan kuwa dowlad goboleedyad dalka,arintan ayaa waxa ay dabka ku sii shidey khilaaf culus oo ka dhex qarxay maamulka Soomaaliland iyo Jabuuti.
Madaxweyne Biixi ayaa hore madaxweynaha Jamuuriyadda Jabuuti ugu eedeeyey in uu dalkiisa kusoo dhaweeyey Jabhad kasoo hor jeeda Soomaliland waana halka la isu seegay ee uu ka bilawdey khilaafka.
Hoggaamiyaha SSC Khaatumo ayaa madaxweyne Geelle uga warbixiyay xaaladda guud ee SSC-Khaatumo, nabadda iyo xasilloonida ka jirta deegaannadaasi, maamul dhiska iyo hiigsiga dhaw ee dibu dhiska kaabayaasha dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada, sida lagu yiri qoraal kasoo baxay SSC-Khaatumo.
Firdhiye ayaa sidoo kale si weyn uga mahad-celiyey soo dhawaynta diirran ee shacabka iyo dowladda Jabuuti ku soo dhaweeyeen wafdiga uu horkacayo ee SSC-Khaatumo.
“Hoggaamiyaha ayaa bogaadiyay doorka dowladda Jabuuti ee dowlad dhiska Soomaaliya iyo guud ahaan iskaashiga amniga ee gobolka,†ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay SSC-Khaatumo
Madaxweyne Geelle ayaa dhankiisa bogaadiyey booqashada hoggaamiyaha iyo wafdigiisa ku yimaadeen dalka Jabuuti, isagoona xusay in Jabuuti tahay dal iyo dowlad xarun u ah Soomaali oo laga jecel yahay dhammaan dadka Soomaliyeed.
Shalah ayey aheyd markii uu Firdhiye dalka Jabuuti uu kulan muhiim ah kula qaatay madaxda u saraysa urur-goboleedka IGAD, oo uu hoggaaminayey Xoghaye ku-xigeenka sare ee IGAD Maxamed Cabdi Waare oo ah madaxweynihii hore ee HirShabeelle.