Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Jabuuti ayaa soo saartay war saxaafadeed ay ku sheegay in Jabuuti ay si walaac leh ula socotay xiisadda ka dhex curatay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Itoobiya.
Waxay sheegtay in Jamhuuriyadda Jabuuti oo haatan haysa madaxtinnimada urur goboleedka IGAD ay si xooggan u caddaynayso taageerada ilaalinta gobannimada, midnimada iyo madaxbannaanida dhuleed ee dhammaan waddamada xubnaha ka ah ururka, taasi oo aasaas u ah mabaadii’da iyo xeerarkii lagu aasaasay ururka Midowga Afrika
“Jamhuuriyadda Jabuuti waxay ugu baaqaysaa labada waddan ee walaalaha ah inay qaataan dariiqa wadahadalka si ay uga shaqeeyaan dejinta [xiisadda],†ayay Jabuuti ku sheegtay war saxaafadeedka.