Dowladda  Jabuuti ayaa Maanta magaalada Diridhaba  ka soo daad guraysay ugu yaraan labo boqol oo ruux oo dalxiis u joogay magaalada Diridhaba, halkaas oo ay ka jiraan rabshado sababay dhimasho iyo dhaawac.
Jabuuti ayaa dadkaas u dirtay diyaarado khaas ah,ka dib markii 9 Ruux oo u dhashay dalka Jabuuti lagiu dilay Magalada Diridhaba.
Rabshadaha Diridhaba ayaa ku salaysan qoymiyado waxaana magaaladaas ku dagaalamay Soomaali iyo Oromo.
War-saxaafadeed shalay ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jabuuti ayaa waxaa lagu cambaareeyey dilka muwaadiniinta Reer Jabuuti loogu geystay Magalada Dirishaba,iyada oo lagu amray in ay ka soo baxaan.